Wednesday, December 1, 2010

West-ham united oo kaga badisey Manchester united 4-0 ciyaar xiiso leh



Manchester united waxa ey kahadhey cupka carling cup oo ey qaadey labadii sano ee ugu danbeysey, kadib markii naadiga westham united ey kaga badisey afar iyo eber.

Ciyaartan oo kadhacdey garoonka westham united UPTON PARK stadium ayaa goolasha waxaa kala dhaliyey Jonathan Spector oo dhaliyey laba goal daqiiqadihii 22, 37 labada goal ee kalana waxaa kadhaliyey Carlton Cole daqiiqadihii 56,66.

Westham united oo kujirta kaalinta ugu danbeysa priemiere lague ayaa joojisey goalihii iyo unbeatenkii ey wadey naadiga manchester united,
Manchester united oo aan laga badin 29 ciyaarood oo xidhiidha

Halka naadiga arsenal uu uga gudbey wareega soo socda, kana badiyey naadiga wigan 2-0, goal-shana waxaa ukala dhaliyey antonio alcarez oo isugu iska dhaliyey daqiiqadii 42 iyo nicolas bentder 67.

Maanta oo arbaco ahna waxaa ciyaaro doona brimingham city iyo astonvilla (DERBY BRIMINGHAM), waxaa kaloo iyaguna wada ciyaari doona naadiga ibswitch town oo uu tobabare u yahay Roy Keane iyo westbromich Albion