Wednesday, December 1, 2010

West-ham united oo kaga badisey Manchester united 4-0 ciyaar xiiso leh



Manchester united waxa ey kahadhey cupka carling cup oo ey qaadey labadii sano ee ugu danbeysey, kadib markii naadiga westham united ey kaga badisey afar iyo eber.

Ciyaartan oo kadhacdey garoonka westham united UPTON PARK stadium ayaa goolasha waxaa kala dhaliyey Jonathan Spector oo dhaliyey laba goal daqiiqadihii 22, 37 labada goal ee kalana waxaa kadhaliyey Carlton Cole daqiiqadihii 56,66.

Westham united oo kujirta kaalinta ugu danbeysa priemiere lague ayaa joojisey goalihii iyo unbeatenkii ey wadey naadiga manchester united,
Manchester united oo aan laga badin 29 ciyaarood oo xidhiidha

Halka naadiga arsenal uu uga gudbey wareega soo socda, kana badiyey naadiga wigan 2-0, goal-shana waxaa ukala dhaliyey antonio alcarez oo isugu iska dhaliyey daqiiqadii 42 iyo nicolas bentder 67.

Maanta oo arbaco ahna waxaa ciyaaro doona brimingham city iyo astonvilla (DERBY BRIMINGHAM), waxaa kaloo iyaguna wada ciyaari doona naadiga ibswitch town oo uu tobabare u yahay Roy Keane iyo westbromich Albion

Sunday, October 3, 2010

Lionel messi oo lagu doonsiiyey gabihii dahabka


Laacibka reer Barcelona ee Lionel messi ayaa lagudoonsiiyey biladda “gabaha dahabka ah” jaa’isadaas oo laguudoonsiiyo sanadkasta ciyaartoyga ugu goolasha badan league Europe
Lionel messi ayaa sheegey in jaa’isadan kagarab galeeb asxaabtiisa ey isku kooxda yihiin, una hanneynayo iyaga.


Xiddigan reer argentina “lionel messi” waxa uu dhaliyey sanadkii hore 34 goal, waxaana latartamaayey ciyaaryahanka reer chelsea ee Didier Drogba iyo Antonio De Natali laacibka reer Udinesa, midkastaaba waxa uu dhaliyey 29 goal, kaalinta saddexaad waxaa imanayey oo soo galayey Gonzalo Higuen oo isna lahaa 27 goal.


Jaaisadan ey bixiso xidhiidhka kubadda cagta ee dalalka Europe waxay ku koobantahay uun saddexda league ee kala ah calio, la liga iyo priemer league.


Lionel messi waxa uu kadhaxley jaa’isaddan xiddiga atletico Madrid ee diogo forlan
Waxaa lasugayaa sanadkan dhamaadkiisa in labixiyo xiddiga caalamka iyo xiddiga europe taas oo lagu tirinaayo lionel messi rag cadcad in ey ku guuleystaan jaa’isadaasna, waxaa kaloo iyaguna meesha kujira oo tartamaaya Xavi Hernandez, Andres Iniesta iyo wesley Sneijder
Lionel messi ayaa sheegey in uu ku farxaayo in ey marlabaad ku guuleystaan kooxda Barcelona uun labadeydan saaxiin “xavi iyo iniesta” wey muteystaan xiddiga caalamka maxaa yeeley waxa ey ku guuleysteen koobkii dunida.

by: abdirahim Ali Mamahamoud
NO: 4420635 hargeysa somaliland